Sidee loo doortaa display ads sida adsense oo kale Ah?

Technsom Admin

Sidee loo doortaa display ads sida adsense oo kale Ah?

Sidee loo doortaa display ads sida adsense oo kale Ah?

Sidee blogyada lacag uga sameeyaan display ads ama shirkadaha xayeeysiinta iyo dhowrka nooc ee jira maanta ee laga faaiideysan karo.

Adsense waa mida bixisa lacagta ugu yar, inaad raadsatid shirkado kale oo bixiya display ads, waxey kuu fududeyneysaa inaad sameysid lacag ka badan taad ka sameyn laheyd  adsense.

– Sidee shirkadaha adsense sameeyo u go’aamiyaan say lacagta u
buxiyaan.
– Ezoic
– Monumetrical
– Mediavine
– AdThrive
– Media.net
– Google Adsense

Sida website-yada Xayeysisku u go’aamiyaan Lacag-bixinta

Lacagta ee lagu siiyo waxay ku xidhan tahay inta uu le’eg yahay taraafiga bloggaada helo, ama inta click ama inta ficil display ads ay shirkadda kaa hesho

Shirkad kasta oo xayeysiis ah waxay leedahay shuruudo kala duwan, laakiin saddexda siyaabood ee ugu badan ee lacag bixinta loo xisaabiyo waa:

CPM (qiimaha halkii mille, ama qiimaha kunkii booqasho)

CPM, waxaad heleysaa lacag go’an 1,000kii qof Blog-gaaga ee booqasho.

Tani waa mid ka mid ah hababka lacag bixinta ee ugu caansan Shirkadaha xayeeysiiska baxshaan, lacagta waxay u dhaxaysaa $1 – $15 1,000kii booqasho.

CPM aad ayey u fiican tahay haddii aad leedahay taraafik badan, laakiin ma samayn doontid lacag badan haddii aad kaliya heleyso dhowr kun oo booqasho bishii.

Mid ka mid ah faa’iidooyinka ugu weyn ee isticmaalka shirkadaha display ads baxsha ee leh qaabka lacag bixinta CPM, waxay ka dhigi kartaa dakhligaaga xayaysiis mid la saadaalin karo, Haddaad leedahay taraafik joogto ah.

CPC (qiimaha halkii click)

Habka lacag bixinta ee CPC, waxaad helaya lacag go’an mar kasta oo uu qof click gareeyo xayeysiiskablog-gaada.

Celcelis noocyada lacag bixinta CPC waa $1 – $5 click kasta.

Niche-yada qaar (sida moodada, jimicsiga, iwm.) waxay leeyihiin aqristayaal ay u badan tahay inay click gareeyaan xayeysiiska, halka kuwa kalena laga yaabo inayssan click gareyn.

Trafigga door buu ka ciyaarayaa, laakiin in la helo aqristayaal aad kuu raacsan ayaa muhiim ah.

Oo maadaama dakhligaaga xayaysiisku ku xidhan yahay akhristayaashaada inay click gareeyaan, Ma fududa in la saadaaliyo inta aad heli doonto bil kasta.

CPA (qiimaha iibsi ama ficil kasta)

Sida aad ka qiyaasi karto, nooca lacag bixinta CPA macnaheedu waa lacag ayaa laguugu siinayaa mar kasta oo uu qof wax iibsado ama uu qaado tallaabo gaar ah (sida isu-diiwaangelinta liiska iimaylka) ka dib markaad click gareyso xayeysiiska.

Tani way ku yar tahay shirkadaha xayeysiiska waxayna aad ugu egtahay affiliate marketing

Farqiga ugu weyn ee u dhexeeya CPA iyo affilate marketing ayaa ah in aad lacag ka heli karto qof u isku qoro liiska emailka ama ficil kale oo la mid ah, halka inta badan heshiisyada affiliateka gadashada badeecada wax kugu siinayaan.

Caadi ahaan, noocan CPA waxay leeyihiin lacag-bixin aad u sarreeys click kasto oo ibsasho ama ficilba leh, marka loo barbar dhigo nooctada CPC ama CPM, sababtoo ah aad bay u adag tahay in dhab ahaantii la iibiyo ama la helo aqriste si uu u dhamaystiro ficilkaas.

Dabcan, taasi waxay ka dhigan tahay dakhli aad u yar laakiin haddaad heshid shirkad fiican lacag fiican inaad ka heshid baa fudud

EZOIC




Ezoic waa mid ka mid ah shirkadaha xayeysiiska ugu fiican ee bloggers ay ku xijiyaan (ka dib Google AdSense). Aan dhahno waa  kan ugu fiican ee premium ah oo ay shirkadaha xayeysiiska ee bloggerada isticmaalaan.

Si aad u bilowdo Ezoic, waxaad u baahan tahay ugu yaraan 10,000 booqasho bishii. Gebi ahaanba waa bilaash, waana fududdahay meeleynta xayeeysiisyada.

Waxaa jira plugin aad soo dejisan karto oo kuu fududeynaayo inta badan tallaabooyinka rakibaadda. Qalabkani wuxuu si toos ah kuugu dhejin doonaa xayeysiisyo wuxuuna tijaabin doona meelaynta ugu fiican, asagoo eegaya dhaqamada aqristayaasha boggaaga.

Waxaad kaloo samayn kartaa inaad isticmaashid extentions si aad u dhigto xayaysiisyada meeshaad rabto ama ka saarto xayeysiisyada qaar aadan rabin, haddii aad u maleyneyso inay aad u badan yihiin.

Waxa kale oo aad u fudud inaad gasho dashboardkaaga si aad uga saarto bogag gaar ah xayeysiisyada sida maqaallada aadka uga muhiimsan affiliate marketing-ka ama about us, policy pages iwm

Waxey leeyihiin mid ka mid ah komishanka ugu yar, oo ay bixiyaan kaliya 10%, marka la barbar dhigo heerka shirkadaha ee 40-60% laga sameeyo.

Beddelkeeda, waxaad dooran kartaa qorshe ah in aad 100% faa’iidada hal xayaysiis oo keliya ka heshid blog artikal kasta oo ka mid ah Blog-gaada.

Waxa aad u baahan tahay inaad ogaato:

·         Nooca lacag bixinta: CPM

·         Ugu yaraan 10,000 oo booqasho bil gudahood si aad isu diiwaan geliso

·         Ma ku qasbanid ugu yaraan meeqo xayeysiis baa lagaa rabaa

·         Jadwalka lacag bixinta 60 maalmood kadib bey ku siinayaan

·         komishinka ugu yar 10% keliya kunkii qof

Sababtoo ah Ezoic iyo komishan ka badan google Adsense, waa #1 AAN KUGU WAANINEYNO INAAD KU BILOWDID ama ku xijisid Adsense

Inkastoo 10 kun oo qof iney ku soo booqato ay adagtahay tahay, Ezoic display ads premium-ka ah midka ugu haboon inaan ku xijisid Google Adsense, intaadan u gudbin kuwo premium ah aad ka heleysid lacag ka badan balse ka sharuudo adag

Monumetrical


Monumetric waa mid kale oo weyn oo loogu talagalay shirkadaha xayeysiiska ee bloggers bilaabay. Waxa kaloo aad u baahan tahay kaliya 10,000 oo booqasho si aad u bilawdid.

Qarashka ayaa ah in aaad siisid $99 oo fee ah,  haddii ay soo booqdaan bloggaada wax ka yar 80,000 bishii, Balse fee-ga waxey ka jarayaan lacagta ugu horeysa ee aad iyaga ka sameysid

Markii hore waxay ku bilaabeen blog ahaan, ka dibna waxay u guureen wakaalad xayaysiis ah, taas oo siinaysa aragti gaar ah iyo fahamka baahiyaha bloggerada, 

Waxay ku siinayaan caawinaad, xayeesiinta bloggaada si automatic ah buu isugu hagaajinayaa bloggaada xatta marka dadka ka soo galaan taleefanada.

Tan ugu muhiimsan,  waa komishan hooseeya kaliya 15-30%, marka loo barbardhigo heerka shirkadaha kale ee 40-60% komishanka ah baxsha
taas oo macnaheedu yahay waxaad ka heleysaa lacag badan Trafikgaada markuu bato.

Sidoo kale, waxay bixiyaan afar nooc ee kale duwan oo ay kobcinayaan lacagtay ku siinayaan mar kastoo aqristayaasha ku soo booqdo bataan.

Taasoo micnaheeda tahay marwalboo bloggaada kobco Monumetric way kula kobcayaan iyagoo kuu badinaayo lacagtaad ka sameyneysid.

Markaad la timaadid sharuudahooda waxey xataa ku siinayaan service ah inay eegaan bloggaada oo ay analys ku sameeyaan si bilaash ah ayna ku siiyaan waano sidaad ku sii kobcin laheyd.

Halka Monumetric uu baxsho komishan ka sarreeya Ezoic, wali aad ayuu u hooseeyaa (15-30%) oo wuxuu ka hooseeya heerka shirkadaha kale ee bixiya 40-60%.

Waxaan sidoo kale akhriyay in ay ka qaadaan lacag si ay uga baxaan haddii aadan siinin ogeysiis 30 maalmood ah, markaa ka digtoonow taas haddii aad go’aansato inaad “isku daydo” ka dibna bedesho maskaxdaada. Waa inaad sugtaa 30ka maalmood ama waxaad ku bixin doontaa lacag.

Waxa aad u baahan tahay inaad ogaato:

·         Nooca lacag bixinta: CPM (Kunkii booqasho)

·         Ugu yaraan 10,000 inay ku booqato 30 maalmood gudahood si aad isu diiwaangeliso

·         $99 fee ah haddii bloggaada booqato in ka yar 80,000 bishii

·         Ugu yaraan 6 boos oo xayeysiis ayaa loo baahan yahay

·         Jadwalka lacag bixinta 60 maalmood kadib bay ku siinayaan

·         komishan yar oo ah 15-30%

Mediavine




Mediavine Waa run ahaantii, shirkadda xayeysiiska ugu fiican ee bloggerada isticmaalaan.

Medovine shuruudaha ay leeyihiin ayaa ah ugu yaraan 50,000 oo booqaso 30 maalmood gudahood – waxayna sidoo kale u baahan yihiin process dheer, si ay kuu aqbalaaan

Waxaa kuu dheer waxey bixiyaan komishan badan.  40% iyo ka badan

Ma isticmaalaan views ama pageviews balse session bey isticmaalaan.
Lacagtaad ka sameysid way sii badaneysaa marwalboo waqtiga sessions dadka ku soo booqda dheeraado
Waxyaalaha ay ku fiican yihiin waxaa ka mid ah iney isticmaalaan softwaro aan dheereyneynin waqtigaga ay sugayaan inuu websitekaada furmo.

Waxyaalaha kaloo aan ku jeclahay waxaa ka mid ah haddii aad video gelisid websitekaada video playerka ay leehiyiih wuxuu tusayaa dadka ads sida Youtube uu sameeyo. 

Taasna waxey kor u kobcineysaa lacagta aad ka sameyneysid komishanka.

Mediavine waa shirkadda xayeeysiinta ee aan run ahaantii jeclaan lahaa in ay aqbalaan Suuqyeel, balse waa inaan kor u qaadnaa session views-keena.
Waxyaalaha aan ku jeclahay waxaa ka mid ah ma geliyaan xayeeysiin  farabadan page-kaada, balse dhowr xabo oo meelo fiican la geliyay.  

Waxey sameeyaan tijaabooyin badan ilaa ay helaan meelo markey blog page-kaada geliyaan aad lacagta ugu badan ka sameyn kartid, booqashayaashaada dhibeynin, websitekkaadana uusan cuslaanin. markey helaan system, asagey isticmaalayaan.

Teeda kale waxey qaataan niche kasta taas oo caawineysaa blog-gada niche-kooda aad  u yaryahay balse sameeyo 50.000 kun session iyo ka badan.

Waxa aad u baahan tahay inaad ogaato:

·         Nooca lacag bixinta: CPM

·         Ugu yaraan 50,000 oo fadhi 30-kii maalmood ee la soo dhaafay

·         Waxey baxshaan 40% ka badan

·         Xogta artikaladaada iney asal yihiin quality-doodana sareyso

·         Meelaynta xayeysiiska ay hagaajiyay (lama beddeli karo)

Tani waa taladayada ugu sareysa ee shirkadaha xayeysiiska ee bloggers markaad gaarto 50,000 session bishii. Waa shirkad fiican iyo mid si dhab ah ula koraysa aqristayaasha..

Mar kale haddaan ku celiyo waan jeclaan la haa inaan la shaqeeyo Mediavine!

Raptive (Ex AdThrive)













AdThrive waa mid kale oo ka mid ah shirkadaha xayeysiiska ugu fiican ee bloggers oo leh sumcad aad u sarreeysa.

AdThrive oo 2023 loo baxshay Raptive kalsooni weyn ay ku qabaan adeega eey bixiyaan darteed bay waxey balan qaadayaan haddii aad ka soo baxdid shirkad kale ee aadka mid noqotid shirkadooda in RPM (Revenue per 1k impression) uu kor u kacaayo 20% labada isbuuc ee ugu horeeya, haddii ay kuu kordhiwayso iyagaa ku siinaya inta kaa dhiman.

Waxey kaloo balan qaadayaan in ay ku siinayaan lacagta aad ka sameysay xayeeysiinta, xataa haddii iyaga aysan ka helin lacagta shirkada xayeeysiinta iyaga ka gatay.

Laakiin shuruudahooda ayaa aad u adag.
Waxaad u baahantahay 100.000 pageviews bishii, micnaheeda waa waxey rabaan blogyo waa weyn oo caan ah.

Waxey kaloo rabaan in artikaladaada ay yihiin original oo dadka u faa’iideeyo.  balse haddii aad leedahay 100k. pageviews waxey u badant tahay in contentigaada fiican yahay.

Haddii ay dhacdo iney ku aqbali waayaan.waxay ku fiican yihiin waxey kuu faahfaahinayaan sababta ay kuu diideen iyo waxa u baahan inaad saxdid si ay kuu aqbalaan markale.

Balse waxaan aadi lahaa iyaga mar aan trafic heysto, oo aan isticmaalay shirkadaha aan kor ku xusay.

Waxa aad u baahan tahay inaad ogaato:

·         Nooca lacag bixinta: CPM

·         Ugu yaraan 100,000 pageviews bishii

·         Artikalo gaar ah, asal ah oo soo jiidasho leh

·         Shuruudo adag in la buuxsho

·         Caawin gaar ah iyo sidaad u isticmaali laheyd xayeeysiinta

·         Haddii aad la shaqaynaysay shirkado kale oo xayaysiis ah, waxay kuu ballan qaadayaan inay kor u qaadaan RPM-gaaga (dakhliga kunkii aragtiyood) ugu yaraan 20% laba toddobaad gudahood, ama waxay ku siin doonaan farqiga


Media.net




Media.net waa mid kale oo ka mid ah shirkadaha xayeysiiska ugu fiican ee bloggers leh looma baahna taraafikada ugu yar si aad u apply gareysid

Waxey aqbalaan keliya af ingriis.

Waxyaalaha ay ku fiican tahay shirkadan waxaa ka mid ah iyagaa doorta meeshey gelinayaan xayeeysiinta waxeyna ku saleysantahay artikaladaada waxey ka hadlayaan ee ma baartaan aqristayaashaada waxey xiiseeyaan.

Sidaas darteed ma isticmaalaan cookies oo loogu talagalay in lagu baaro dadka ku soo booqda, taasna waxey u fiicantahay aqristayaashaada amaankooda.

Marka xayeeysiinta ay ku lifaaqaan tahay mowduuca artikaladaada, ma noqonaayo bloggaada spamm miiran

Waa shirkad ku xiran Bing iyo Yahoo, ceebtooda keliyana waa lacag fiican ma bixiyaan waxeyna bixiyaan 100usd min. haddii ay 99usd kuugu jirto waa sugee ilaa aad 100usd ka gaartid

Waxa aad u baahan tahay inaad ogaato:

·         Af ingiriis keliya bey aqbalaan

·         Nooca lacag bixinta: CPM

·         Looma baahna taraafikada ugu yar inkastoo dhahaan 10k oo booqasho

·         Xayeysiis mowduucaadan ku saleysan yahay – looma baahna cookies

·         Waxaa xoojiya Yahoo iyo Bing

·         Bixinta ugu yar ee lacagtaada waa $100

Google Adsense




Kani waa shirkadda xayeysiiska ee inta badan bloggerada ku bilaabaan, in kastoon loo tixgelin shirkad “premium”, balse markaad bilowga tahay waa tan keliya ee aad dooran kartid

Sababtoo ah waxay leeyihiin looma baahna taraafik ugu yaraan lagaa rabo.

Waxaad ku bilaabi kartaa xayeysiisyada Google AdSense isla markaad bilowdid bloggaaga

Laakiin xayeysiinta Google adsense wuxuu hoos u dhigaa waqtiga ay ku qaadaneyso blogaada in uu is furo, taasna waxey keeni kartaa in ay dadka markuu ku daaho blogga inuu u furmo ay iskaga tagaan iyagoon eeginba xogagga ku jira bloggaada

Waxey bixiyaan komishan aad u hooseeyo 10% ka yar, waxeyna lacagta ku siinayaan keliya haddii aad gaartid 100usd.


Blogyada badanaa markey cusubyihiin waxey isticmaalaan google adsense taasna waxey keyneysaa in aqristayaashaada ay ku arkaan blogyo kale isla xayeeysiintaada maadaamay wada isticmaalaan Adsense waxeyna u ekeysiineysaa spam.

Maadaama uusan aheyn shirkad premium ah, waa adiga inaad hagaajisaa xayeeysiinada meeshaad isleedahay way ku haboon yihiin taasoo shaqo dheeraad kaa sugeysa.

Shirkadaha xayeysiiska ah ee loogu talagalay bloggerada guud ahaan iyaga ayaa adiga kuu dejinaya (maxaa yeelay waxaad horey u haysatay taraafik badan taasoo caddaynaysa qiimahaaga).

Waxa aad u baahan tahay inaad ogaato:

·         Nooca lacag bixinta: CPM

·         Komishan ilaa iyo 10%

·         Looma baahna taraafik lagaa rabo inaad la timaadid

·         Bixinta sare ugu yaraan $100

·         Google adsense ma bixiyaan customer service ama caawinaad kula macaaltama

·         Waxaad dooran kartaa meelaynta otomaatiga ah ee xayeysiisyada ama waxaad adigu habayn kartaa meelaynta

·         Looma tixgeliyo “premium” shirkada oo sidaas darteed waxay leedahay xayeysiis tayo hoose leh

·         Tani waxay qaadan doontaa xoogaa shaqo ah si aad naftaada u meeleyso

Gabo Gabo Sidee u doorataa Shirkad xayeeysiin.

Bilaha ugu horeeyo waxaan ku dhihi lahaa ha isku wareerinin inaad lacag ka sameysid Shirkadaha xayeeysiinta, ku mashquul inaad qortid artikalo tirada ka badan, ugu yaraan 100 artikal sanadka ugu horeeyo.

Kadib gasho Adsense markaad heshid trafikada ugu horeysa.

Haddii uu bloggaada af ingiriis ku baxayana Media.net waa mid aad ka bilaabi kartid.

Kadibna Ezoic ayaad ku xejin kartaa markaad gaartid 10.000 oo booqasho bishii

Ugu dambeyntiina Mediavine markaad 50.000 gaartid kadibna haddii aad 100.000 oo booqasho bishii heshid Raptive (AdThrive) balse mar haddaad heshid mediavine ka fakar shirkadda ku xigtid haddaad u baahantahay inaad qaadatid.

#buttons=(Ok, Go it!) #days=(20)

By using this site, you agree to the Privacy Policy and Terms of Use
Ok, Go it!