Qaab cusub oo sababay in la xado bogag waaweyn oo Facebook ah (digniin)

Technsom Admin
Qaab cusub oo sababay in la xado bogag waaweyn oo Facebook ah (digniin)

Qaab cusub oo sababay in la xado bogag waaweyn oo Facebook ah (digniin)

Waxaa hubaal ah in inta badan mulkiilayaasha bogaga Facebook-ga ay si weyn u daneeyaan xaqiijinta boggooda iyo helida calaamada buluugga ah, arrintan ayaa waxa ka faa’iidaystay qolo shufto ah si u jabsadaan oo ay xadaan boggaga Facebook-ga ee ay bartilmaameed sanayaan. 

Waxa ayna jabsadeen bogag waaweyn oo haystay in ka badan hal milyan oo taageerayaal ah.


habka ay u Maraan in ay ku jabsadaan boggaga!

Habka ay adeegsadaan hackers-ku waa in ay Kuu soo diraan fariimo iyo ogeysiisyo u muuqda in ay kuu soo direen maamulka Facebook-ga laftiisa, mana jirto cid ka shakin karta haba yaraatee Qof u fiirsada mooyee.

farriintan ayaa laguugu sheegayaa codsi ah in loo ogolaado in la maareeyo boggaaga si loo xaqiijiyo loona siiyo calaamada buluugga ah, waana tan qoraalka saxda ah ee fariinta Ay Kuu Soo Dirayaan oo Ingiriisi ah.


Page verified has requested to take ownership of your Page. If you approve the request, Page verified will take ownership of this Page whichwill allow the admins of the Page verified business to manage Page roles. Accepting this request is permanent.”

Ogaysiiskanina waa kan gaadhaya mulkiilaha bogga Facebook-ga ah.

Markaad aragto ogaysiiskan oo kale, waxa laga yaabaa inaad ku dhacdo dabinka oo lagu dhaco laguna khiyaamo.


Sida saxda ah ee khiyaamadu u shaqeyso?

Qofka (Hacker ka) ayaa sameeynaya xisaab been abuur ah oo ay ku qoran tahay username-ka Verified Page iyo profile marin habaabin ah oo u eg sawirka la socda ogeysiisyada Facebook-ga, waxaana uuna Hacker ku kaaga codsanayaa fariintan in uu xaq u yeesho in uu bogga maamule ahaan u galo, Oggolaanshahaaga ka dibna, Hacker ka ayaa geli doona goobaha maamulka oo si fudud kaaga tirtiri doona maamulka Boggaaga.


Habka loo isticmaalo jabsiga ayaa ah mid wali  cusub, waxaana dabinkaa ku dhacay bogag badan oo waaweyn oo Facebook ga Ah.

Sida aad ila aragteena habkaan maaha mid keeni kara shaki markaad eegto qaab furriinkiisa, Sidaa darteed fadlan la wadaag maqaalkan dadka aad taqaano ee leh boggag waaweyn oo Facebook ah Si ay Uga digtoonaadaan khiyaanadan Oo kale.

#buttons=(Ok, Go it!) #days=(20)

By using this site, you agree to the Privacy Policy and Terms of Use
Ok, Go it!