Waa maxay affiliate marketing sideese lacag uga samayn kartaa ?

Technsom Admin

Waa maxay affiliate marketing sideese lacag uga samayn kartaa ?

Waa maxay affiliate marketing sideese lacag uga samayn kartaa ?

Artikalkan waxaan uga hadleynaa affiliate marketing wuxuu yahay iyo siduu u shaqeeyo
Qodobadaan ka hadli doono waa:

Waa maxay affiliate marketing


Affiliate marketing, waa marka Shaqsi ama bloggers (oo loo yaqaano Suuqgeeye) ay ku waaniyaan dadka ku xiran (Iibsadayaasha), alaabo ama adeegyo ay shirkad kale leedahay (Beecmushtariga).
Markii ay Iibsadayaasha gataan alaabtaasi ama adeegaas, Suuqgeeyaha wuxuu ka heleyaa komishan ah boqolkiiba qeyb alaabta uu iibsadaha gatay ama lacag qeyman inuu ka helo.
Komishanka wuxuu u dhaxeeyaa 4 ilaa 70% qiimaha alaabta.

Waxaa laga yaabaa in aad is dhahdid 70% weey badan tahay, balse ogow Beecmushtariyaasha bixinaayo komishankaas badan, caadiyaan waxey ka sameeyaan lacag badan weliba marka uu iibsadaha u soo noq noqdo.

Beecmushtariga waxaa ka yaraaneysa shaqada badan ee ay ka rabto in uu suuqgeeyo alaabtiisa.

taas micnaheeda ma ahan in uusan laheyn strategy suuqgeyn ah, balse adigaa waxaad ka mid noqoneysaa jidadka kala duwan ee ay ugu suuq yeelaan alaabtooda.

Suuqgeeyaha oo adiga ah, shaqadaada waa inaad dadka kugu xiran ku waanisid alaabtaasi si ay u gataan.

Waa muhiim in aadan ka gadin alaab aadan adigaba isticmaalin ama taqaanid habkuu u shaqeeyo.

Waayo taas waxey kugu caawineysaa in lagu aamino, oo aadan suuqa ka bixin ciyowba, markey dadka ogaadaan in aad kala jecleyn waxaad ku waanineysid way isu sheegayaan, taasina waxey keyneysaa in aad suuqa ka baxdid.

Low ticket iyo high ticket

Low ticket waa haddii iibsadaha gato alaab $50 gataan adna aad ka heshid 10% micnaheeda waa  $5 baad ka heleysaa, 

Si aad lacag fiican uga sameysid waa in iibsadayaasha gataan alaab badan, taasina waxaad ku noqon kartaa profitable haddii aad traffic badan heshid.

Haddii ay gataan 100 qof adna aad ka heshay $5 waa 100 x $5 =  $500

High ticket waa marka alaabta aad ku waanisay iibsadayaasha ay qaali yihiin oo dad badan ma gadanayaan.
Maadaama ay alaabta qaali tahay ma ahan go’aan ay dadka iska qaataan oo way ka soo fakaraan. 

Waxaa kugu filan 10 qof iney wax kaa gataan saad u sameysid $500, laakiin dhibka jiraa ah in ay adagtahay dadka iney si fudud alaab qaaliga ah u gataan oo weliba internet ka gataan.

Waxaa kaloo jira shirkado alaabtooda qaali aheyn balse baxsho ilaa iyo 70% si ay u soo xareeyaan iibsadayaasha, business modelkooda wuxuu u badanyahay subscription oo dadka waxey ka gataan bil kasta ama sanadle.

Sidee u shaqeeyaa affiliate marketing blog?

Si aad uga qeyb qaadatid, waa inaad iska diiwaan gelisaa Beecmushtariyada affiliate program-kooda.

Haddey ku ogolaadaan, waxey ku siinayaan affiliate link, markaad ku waanineyso aqristayaasha product-gee gataan ayaad waxaad gelineysaa isla linkigaas, blog artikalkaada, social media, emailkaada,facebook ama discord groups iwm.

Markey click-gareeyaan linkiga waxaa ku xiran cookie oo raadraacaya hadduu qofkaasi gatay alaabta iyo haddii kale.

Caadiyan linkiyadaan waxey raadraacayaan iibsadaha 24 saac ilaa 365 beri, taaso micnaheeda tahay, haddii uu qofka dhowr beri kabacdi gato alaabta weli waad ka heleysaa boqolkiiba qeybtaada.

Balse si ay cookie u shaqeeyo waa in uu qofka ka gatto isla device-ka. hadduu telefanka ka soo galay waa in uu ka gataa telefanka.

wax ka iibso isla qalab iyo browser isku mid ah.

·         Haddii cookie-ga raadraacayo waa inuu qofka ka iibsadaa isla computeka ama telefanka uu ka soo galay

·         Haddii ay computerka ka soo galeen, balse ka iibsadaan telefanka. komishan ma heleysid

·         Balse haddii ay bil ka bacdi computerka ka iibsadaan iyadoon waqtiga kaa dhamaanin, komishankaada waad heleysaa

·         Mid kaloo u baahan tahay inaad ogaatid ayaa ah haddii iibsade linkigaaga click gareeyo kadibna iska baxo, haddana maalinta ku xigta website kale affiliate linkigiisa click gareeyo, qofka ugu dambeeyay oo linkigiisa la taabtay ayaa komishanka qaadanaayo. 

Waa muhiim inaad aqrisid shuruudaha shirkad walba leedahay

Shuruudaha affilate programs 

Waxyaalaha ugu muhiimsan waxaa ka mid ah, shuruudaha kala duwan ee shirkad kasta leedahay inaad aqrisid. 

Teeda kale waa in aad website-kaada ku sheegtid in aad isticmaaleysid affiliate links. 

Maadaama aad dadka siineysid xogo bilaash ah, haddaad lacag ka sameysid affiliate links waa wax caadi ka ah dunida mar haddey ku aamineen ayna ogyihiin wax aan tayo laheyn inaadan ku waanineyn.

Kuguma filna inaad website meel yar kaga qortid, waa artikalka meeshaad linkiga markaad soo dhigeysid inaad ku qortid. 

Waa muhiim inaad aqrisid shuruudaha affiliate program kasta ayaa ah, marka hore inaad ogaatid waxey kuu ogolyihiin sida cookie ama raadraaca ilaa iiyo meeqo beri buu soconayaa.

Waxey kaloo kugu caawineysaa inaad ogaatid waxyaalaha ay shirkada ogoleyn in suuqgeeyaha sameeyo. 

Amazon tusaale ahaan email inaad affiliate linkigooda u isticmaashid shuruudo adag bey leeyihiin.

Shuruudahaas magacyaha ay leeyihiin badanaa waa:

·         Affiliates

·         Affiliate Program

·         Affiliate Terms and Conditions

Tusaale ahaan: Hostingar

Amase waxaad bilowga artikalka ku qori kartaa:

 
(Artikalkaan waxaan ku jiraan linkiyo aan la leeyahay shirkada beecmushtariga ah. Balse marwalbo ogow ma ku waaniyo dadka waxaanan shaqsiyan isticmaalin ama aan soo baarin)

Waddamada qaarkood sida mareykanka, wadamo qaar ee Europe, waxey leeyihiin sharciyo tixgelinaayo in aad ku cadeysid artikaladaada haddii aad ka heleysid komishan
Haddii aad rabtid iney kaa aqristaan dad degen wadamadan waa in aad ku qortid, haddii kale in lagaa xiro website-kaa fudud

Waa sida ugu fudud ee lacag looga sameeyo blogging

Affiliate marketing.

haddaan nahay bloggers, waa sida ugu fiican markaad bilaabeysid inaad monitize gareysid blogyada.

Badanaa kuma weydiinaayo lacag inaad gelisid si aad isu diiwaangelisd.

Waqtiga keliya ee uu kaa rabo waa markaad dalbaneysid, kadibna linkiga ay ku siiyaan unbaad gelineysaa meel kastoo website-ka aad productigaas kaga hadleysid.

Waxaa kuu dheer haddii aysan iibsadayaasha gadaneynin productiga, waad iska joojin kartaa kadibna waxaad isticmaali kartaa mid kale.

Adiga markaad leedahay alaabta. 

Haddii aad adiga leedahay alaab aad ku gadid website-kaada. faa’iidada waa ka lacag badan tahay, markii loo bar bardhigo affiliate-ka. 

Balse dhibkuu leeyahay ayaa ah in aad alaabtaas ka sameysid lacag waa inaad lacag iyo waqti gelisay.

Haddii aad gadi weysid oo rabtid inaad iska joojisid, micnaheeda waa qasaaro ayaad galeysaa, si aad mid kale ugu beddeshidna waa inaad lacag iyo waqti markale gelisid.

Ads.


Dhibkooda waa in aad trafik fiican sameysaa si aad lacag fiican ugu sameysid.

Marwalbana waa habka aad ka sameyneysid lacagta ugu yar maadaama ay percent-kooda yaryahay ayna u xisaabayaan 1000 qof iney ku siiyaan dhowr dollar, balse affiliate-ka qofkii gata boqolkiiba qeybtaadaad ka heleysaa

Balse affiliate programka waxaa laga yaabaa in lacagta ugu horeysa aad sameysid sanadka ugu horeeyo marwalboo trafikgaada kobcayo.

Lacag badan ma sameeneysid balse lacagaha ugu horeeyo waxey kuu saamixi karaan inaad ku gadatid tools ama apps aad isticmaashid oo kuu fududeenayo inaad bloggaada content process u sameysid ama ku suuqgeysid.

Sida loo bilaabaa affiliate marketing blog

Habka ugu wanaagsan ee bloggers-ka ku bilaabi karaan affiliate marketing waa inaad gelisaa affiliate links artikal kasta ee aad qortid

Cookie-ga raadraacaha wuxuu soconayaa 24 saacadood oo keliya, komishanadana aad bay u hooseeyaan, laakiin waxay noqon kartaa hab fudud oo lagu sameyn karo $100 bishii markuu trafikaada kobco.

Waxaa kuu dheer oo aad samayn kartaa inaad ka raadisid Google search shirkadasha bixiyo affiliate program ku saleysan niche-kaada

Tusaale ahaan, haddii aad ku jirtay niche xayawaanka oo aad raadinaysay affiliate programs, waxaad ka raadin kartaa Google“Barnaamijyada affiliate-ka ee alaabta xayawaanka,”  “pet products affiliate programs,” waxaad ka heli doontaa affiliate bogga ugu horeeya Petco’s Affiliate Program.

Waxaad markaas fiirin kartaa barnaamijkooda oo waxaad arki kartaa sida linkiyaada raadraacyada u shaqeeyaan, inta ay bixinayaan, goorta ay bixinayaan, shuruudyo noocee ah ayay u leeyihiin, iwm.

Waa kuwee affiliate program u fiican bloggers?

Marka lagu daro is diiwaan gelinta Amazon Associates iyo eegitaanka affiliate programs adoo google gareenayo,

Shirkado waaweyn ayaa jira oo kugu xiraayo Beecmushtarayaasha leh alaabta. Waxaad isticmaali kartaa website-yadooda si aad uga raadiso alaabta caanka ah ee ku jirta niche bloggaaga qaarkood waxaa laga yaabaa iney kaa qaadaan fee markaad isdiiwaan gelineysid, iska aqri shuruudahooda.

Halkan waxaa ah tusaale ah natiijooyinka raadinta niche-ka jimicsiga

Sidaaad kor ku arki karto, program-yo kala duwan ayaa bixiya komishano kala duwan. Qaar ka mid ah iyaga ayaa sidoo kale bixiya lacag go’an dollar oo toos ah – ma aha boqolleyda ama percentage.

Laakiin isku ma barbardhigi kartid komishannada aad ka sameyn kartid keliya, waa inaad ku fakartaa xataa alaabta meeqey joogtaa.

Waayo haddii shey uu ku siinayo 10% balse uu joogo $10 waxaad sameyneysaa keliya $1, Haddiisa shey kale joogo $100 ood 10% ka heshid waxaad ka heleysaa $10.

taasi micnaheeda waa eeg boqolkiiba meeqaad ka heleysaa adigoo eegaya qiimaha ay alaabtana joogto.

Shirkadda kor ku xusan oo leh boqolkiiba komishanka ugu sarreeya (75%).


Qaar ka shirkadaha afiliate program bixiya ee caanka ah waxaa ka mid ah:

Waxaa jira kumanaan website-yo internetka ah oo bixiya programyo affiliate ah oo kuu ogolaanaya inaad ku biirto oo aad ku bilaabato iibinta alaabtooda ama adeegyadooda


Qaar ka mid ah website-yada caanka ah ee affiliate marketing-ka waxaa ka mid ah:

• Amazon : waa website ugu caansan ee affiliate marketing, waxaad ka heli kartaa kumanaan alaab oo kala duwan si aad u iibiso

• ClickBank : waa website loogu talagalay adeegyada iyo badeecadaha digital-ka, waxaad ka heli kartaa kumanaan adeegyo iyo badeecado digital ah si aad u iibiso

• Commission Junction : waa website affiliate marketing oo ay ku jiraan kumanaan shirkado oo kala duwan, waxaad ka heli kartaa alaabta iyo adeegyada kala duwan

• ShareASale : waa website affiliate marketing oo ay ku jiraan kumanaan shirkado oo kala duwan, waxaad ka heli kartaa alaabta iyo adeegyada kala duwan

• Rakuten Marketing : waa website affiliate marketing oo ay ku jiraan shirkado badan oo caalami ah, waxaad ka heli kartaa alaabta iyo adeegyada kala duwan.

• PartnerStack : waa website affiliate marketing oo ay ku jiraan shirkado badan oo caalami ah, waxaad ka heli kartaa alaabta iyo adeegyada kala duwan.

Note: Waxaa jira website-yo badan oo affiliate marketing kuwaas oo ay ku jiraan shirkado badan oo kala duwan, waxaana kuu suuro geli karta inaad ka heli karto shirkado gaar ah oo kuu habboon.

 

#buttons=(Ok, Go it!) #days=(20)

By using this site, you agree to the Privacy Policy and Terms of Use
Ok, Go it!