Noocyada robots ka

Technsom Admin

Noocyada robots ka

Noocyada aaladaha Macmalka ah (robots)


Waxaa jira dhowr nooc oo robots ah, oo ay ku jiraan kuwan soo socda:

1. RoBotska hore loo sii qorsheeyay

Robots-ka hore loo sii qorsheeyay (Pre-programmed robots) uma baahna xadidid badan oo hababka xakamaynta garaadka ah Si ay si guul leh ugu shaqeysaan maadaama lagu xakameynayo deegaano ku saleysan hawlo fudud, tusaalooyinka ugu badan  waxaa ka mid ah: Robots-yada loo isticmaalo samaynta baaruurta kuwaas oo ay adeegsadaan badanaa warshadaha baabuurta ee caalamka, oo ay ku jiraan kuwa ku shaqeeya jidhka aadanaha.


2. Robots-ka sahaminta

Robots-ka sahamintu (Exploration robots) waxay ku kala duwanaan karaan cabbirkooda laga bilaabo kuwa yaryar illaa kuwa waawayn sida dayax-gacmeedyada, Noocan waxa loo adeegsadaa in lagu sahamiyo ballaadhka ugu fog ee kownka ama godadka ugu madaw ee badda hoosteeda ah, waxaana uu gaadhi karaa meelo aanu weligeed cidi gaadhin.Tusaale ahaan: Robots ka loo yaqaan baabuur meel fog laga maamulo (ROV) Waxa ay ku shaqayn karaan duuliye ama ka hagida meel fog, waxayna faa’iido u leeyihiin ururinta xogta deegaanka uu ka shaqeeyo; Sababtoo ah waxay ku qalabaysan yihiin habayn heer sare ah oo la socodka iyo xog ururinta ah kuwaas oo ka caawinaya inay sidaas sameeyaan.


3. Robots-yada warshadaha

Robot-yada warshaduhu (Industrial robots) waxa ay ka kooban yihiin qaabka aasaasiga ah ee mishiinka fulinaya amarro soo noqnoqda, Robots-yadani waxay qabtaan hawlo fudud oo ay ku hayaan bay'ad ka maqan wax kasta oo saameyn kara shaqadooda, sidaa darteed waxaa lagu tiriyaa inay ka mid yihiin kuwa ugu caqliga yar Robots-yada. 


4. Robotska iskood u shaqeysta

Robot-yada iskood isku maamula (Autonomous Robots) ayaa u shaqeeya si ka madaxbanaan hawl wadeenada bini’aadamka, Robot-yadan ayaa ah kuwo loogu tallo galay in ay ka fuliyaan hawlo shaqo oo ka jira meelo banaan ah oo aan u baahnayn ilaalinta bini’aadamka. Robots-yadani waxa ay adeegsadaan dareemayaal si ay u fahmaan dunida ku xeeran, waxa ay sidoo kale adeegsadaan kombuyuutar ka caawinaya in ay go’aan sax ah qaataan oo ku salaysan xogtooda iyo hawshooda, tusaale ahaan: Roomba vacuum cleaner, kaas oo si xor ah guriga ugu wareegaya.


5. Robots-yada caafimaadka

Robots-yada caafimaadku (Medical robots) waxa ay u dhaxayn karaan gacmo iskood isku maamula kuwaas oo ka caawiya dhakhaatiirta qalliinka in ay qabtaan hawlo jilicsan ilaa kuwa maskaxda lagu xakameeyo, waxa aanay noqon karaan kuwo naf badbaadiya.

6. Robotyada laga hago meelaha fog

Robot-yada laga hago meelaha fogfog (Teleoperated robots) waxa maamula bini’aadamka, tusaale ahaan waxa ka mid ah: Robots-yada biyaha hoostooda ka shaqeeya ee ka qayb qaatay hagaajinta saliidda ku daadatay gacanka Mexico, iyo cududda Robot-ka ee markabka hawada sare maraysa.

7. Robotska u eeg bani-aadminimka

Robots-ka bini aadamka ahi  (Humanoid robots) waxa ay la mid yihiin xaga hab-dhaqanka bini-aadamka waxayna qabtaan hawlo la mid ah sida orodka, boodboodka iyo qaadista walxaha,waxana loo sameeyay in ay u eekaadaan bini'aadamka marka la eego muuqaalada wajiga ama muuqaalka bini'aadamka tusaale ahaan waxaa ka mid ah: Sophia iyo Atlas. 


8. Robots hawada sare

Robot-yada hawada sare (Aerospace robots)  ayaa awood u leh inay duulaan, waxaana ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ama dayax-gacmeedka meel fog laga hago, Waxaa loo isticmaali karaa cilmi baaris, sirdoon milatari, ama sahaminta meel qoto dheer.

#buttons=(Ok, Go it!) #days=(20)

By using this site, you agree to the Privacy Policy and Terms of Use
Ok, Go it!